Mu’asasadda Warbaahineed Ee Alkataaib Oo Baahinaysa Filim Ka Hadlaya Shuhadada(Juzkii 3aad)

rabixalbaycMuntadayaasha Islaamiga ah ayaa maanta Baahiyay Wargalin Sheegaysa in Mu’asasadda Alkataaib mardhow ay baahin doonto Filim la magac baxay  ربح البيع  filimkaasi oo Juzkii sadexaad ah, waxana hore mu’asasaddu u soo saartay labo Juz oo ka hadlayay shuhadada isla markaana watay cinwaankan.

Saasacadaha soo socda ayaa la filayaa in si toos ah loogu baahiyo filimkan muntadayaasha islaamiga iyo dhulka wilaayaadka Islaamiga ah ee ay ka taliso Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Mu’asasadda Al-kataaib oo ah warbaahinta dhinaca muuqaalka ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa inta badan soo gudbiso muuqaalo ka waramaya Xaqiiqada Jihaadka Soomaaliya.

Sida aad ku aragtaan Sawirada Shuhadada lasoo bandhigayo waxaa ka mid ah Bilaal Albarjaawi oo gaaladu duqayn ku duleen wakhti aan sii fogayn, waxa kale oo ka mid ah Macalin Qaasimow oo ahaa macalin caanka ka ah Jihaadka Soomaaliya, sidoo kale waxaa ka mid ah Deerow yare oo ah wiilkii Fuliyay Camaliyaddii taariikhda Gashay ee ka dhacday Beledwayne isla markaana lagu khaarajiyay wasiirkii Gaashaandhiga C/laahi Yuusuf Co. Cumar Xaashi.

Hadaba akhristayaasha waxaan u ballan qaadaynaa inaan linkiga filimka aan kusoo bandhigi doono Calamada.com. isla marka la baahiyo Insha’allaah.

 

 

 

 

 

 

Dhageyso Abwaan Shuceeb Oo Gabay Ku Cabiray Qaabkii Askarta Burundi Loogu Laayay Dagaalkii Leego.

Iyadoo Sagaalkii bishaan barakeysan Ee Ramadaan uu dhacay dagaalkii sida ba’an loogu laayay ciidamadii Kufaarta Burundi ee xiligaasi ku sugnaay deegaanka Leego ee gobalka Shabeelada hoose ayaa waxaa isasoo taraya gabayada abwaanada Somaliyeed kaga hadlayaan dagaalkaasi. Abwaan Shuceyb waxa uu ka mid yahay abwaanada Soomaaliyeed’waxaana uu lasoo xiriiray Webka Calamada isagoona tiriyay gabay uu ugu […]