Wazaaradda Dagaalka Mareykanka Oo Ka Digaysa In Shaqo Joojin Ay Sameeyaan Millateriga Dalka Diyaaradaha Iyo Maraakiibta Dagaalka.

Filed under: News |

DiyaaradWarbixino la baahiyay saacadihii tagay ayaa daaha ka rogay in diyaaradaha Mareykanka ee dhanka dagaalka ay ka sheeganayaan xiligani dhaqaale yari soo wajahday xili guud ahaan dalkaasi ay ka jirto beeqaamin dhaqaale oo wada saameysay dhamaan hey’adaha guud ahaan hoostaga xukuumadda Washintong.

Bishii lasoo dhaafay waxaa Mareykanka ka dhaqan galay qorshe dhimis miizaaniyadeed ah oo lagu sameeyay dhamaan laamaha Mareykanka oo ay kamid ahaayeen diyaaradaha dagaalka.

Shabakada CNN-ka ee ku hadasha Afka Mareykanka wareysi uu siiyay Gen. lagu magacaabo Mayk Hosteyj ahna hoggaamiyaha dagaalyahanada qeybta diyaaradaha Mareykanka ayaa dhankiisa xaqiijiyay in tobonaan guuto oo ciidankaasi kamida oo ku kala sugan Mareykanka Yurubta iyo badda  Pacific-ga ay soo wajahday dhaqaale yari baahsan ka dib markii ay waayeen dhaqaalihii ay horey u qaadan jireen oo qiimo dhimis lagu sameeyay bil ka hor.

Qorshahani dhimista miizaaniyadaha ayaa kala yareeyay dhamaan dhaqdhaqaaqyadii diyaaradaha iyo maraakiibta dagaalka Mareykanka waxaana la dhimay waqtiyadii ay howlgali jireen iyadoo diyaaradaha la siiyay waqtiyo kooban oo ay duuli karaan si qarashka baxa uusan u badan.

Hoggaanka ciidanka badda iyo kuwa cirka oo jawaab ka bixiyay qiimo dhimistani iyo halista ay keeni karto wexey ku tilmaameen in qorshahni uu ka dhigan yahay iyadoo la aqbalayo halis cad iyagoo u sababeeyay in arrintani ay dib u dhac ku keeni karto sidii ciidamadooda ku howlgala diyaaradaha iyo Mareykanka ay ku howlgali jireen iyagoo meesha ka saaray in ciidanku ay noqdeen kuwo kusoo koobmay howshooda muddo saacado ah haddii waqtigaas uu dhacana aysan adeegsan Karin diyaaradaha iyo maraakiibta.

Ma heli karno ayuu yiri sarkaalka ciidankaasi hoggaamiya fursad ah badbaado haddii aynu la kulano halis degdeg ah waayo ogolaanshiyo uma heysano in amar la’aan aan howlgalno marka waqtigii la inoo qoondeeyay aan howlgalno.

Hadalkani qeyla dhaanta ah ee kasoo baxay madaxa ciidankaasi ayaa imanay xili sidoo kale masuuliyiin ka tirsan wazaaradda dagaalka Mareykanka ee Bantigoonka ay ka digeen saameynta ciidamada ay ku yeelan doonto jerista dhaqaale ay u baahan yihiin ciidanka.

Ku xigeenka waziirka difaaca Mareykanka Ashton Karter ayaa isna dhankiisa maalmo ka hor cadeeyay in qiimo dhimistani ay keeni doonto in ciidamo fara badan ay ka fariistaan shaqadii ciidannimo oo ay hayeen.

Wuxuu ku tilmaamay in qorshahani uu yahay mid wax burburinaya, hase ahaate uusan diyaar u aheyn sida uu hadalkiisa u dhigay albaabada handadaada cusub oo Mareykanka ay kala kulmayaan cadowgooda.

Sannadkani 2013 oo haatan bilow ah waxaa ka wazaarad ahaan laga jaray lacag dhan 46 milyaar oo dollar sidaasi wexey ku waayeen %50 lacagtii millateri ahaan ay u qaadan jireen qeybaha kala duwan ciidanka dalka.

Kuma koobna oo kaliya qeyla dhaanta dhanka dhaqaalaha wazaaradda dagaalka waxaa guud ahaan dalka ay ka noqotay mid wada saameysay dhaqaale ahaan halka bangiyaddii bixin jiray dhaqaalaha sannad laha ah ay dhankooda bilaabeen inay qeyla dhaansadaan.

Xiligani waa marxalad Mareykanku uu dhiig baxay dhanka dhaqaalaha, wexeyna isku dayayaan in dhaqaalahooda ay dib usoo ceshtaan iyagoo sameynaya beeqaamin dhaqaale oo durbadiiba waxyeeleysay howlihii ay hayeen laamo kala duwan oo siyaasadda dalka muhiim u ahaa.

.


One Response to Wazaaradda Dagaalka Mareykanka Oo Ka Digaysa In Shaqo Joojin Ay Sameeyaan Millateriga Dalka Diyaaradaha Iyo Maraakiibta Dagaalka.

  1. Allaahu mustacaan, Mareeykan weli dhaqaalo xumida waa biloow mana gaarin weli heerkii uu is weydiin lahaa mashaakilka heeysta sababtuna waxaa weeye inta xukaamta khaliijka ay joogaan marka uu dhibaato dhaqaale dareemaba cigaal leeyda khaliijka ayuu soo dhacaayaa.
    Waxaan is leeyahay marka nimankaan boqorada ay lacagtooda dhamaato ayaa xaalkiisa loo yaabaa.

    Omar Mohammed
    April 11, 2013 at 6:12 am