Saraakiil Kenyaati Ah Oo Lagu Dilay Kamiin Ka Dhacay Meel U Dhow Libooya.

Filed under: News |

Weerarkan oo ahaa mid dhabagal ah ayaa lagu beegsaday kolonyo ka tirsan booliska Kenya oo ku socdaalayey meel u dhow Libooya Kenya Islamarkaana ka soo ambabaxay Magalada Gaarisa kuna soo wajahnaa dhanka Libooya oo ku dhow xadbeenaadka kala qeybiya Somalia iyo Kenya sida ay sheegayaan Saraakiil boolis ah.

Shan Ka mid ah Saraakiisha Booliska dalka Kenya ayaa dhimatay kuwa kalena dhaawacyo ayaa soo gaartay ka dib markii kamiin loo dhigay kolonyadaasi, Deegaanka uu weerarka ka dhacay ayaa aad ugu dhow Xad beenaadka sida uu Xaqiijiyey Mas’uulka booliska ee Gaarisa ninka lagu magacabo George Kigani.

Wakaalada Warar Roytaris oo soo xiganeysa Mas’uulkaasi ayaa sheegtay in saddex sargaal oo ka tirsan booliska Kenya ay ku dhinteen weerarka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen balse ilo wareedyo aan soo xiganeyno ayaa sheegaya in dhimashadu ay gaareyso ilaa shan Sargaal tiro kalena dhaawacyo ay soo gaareen.

“Sidax Sargaal oo booliis ah ayaa ku dhimatay Weerarka, waxaana weerarka uu qabsaday xilli ay ku soo jeedeen Libooya, ma sheegi karo tirada dhaawacyada ah, waxaan baaritaan ugu jirnaa kooxihii geystay weerarkaasi iyo raadiinta Macluumaadka” ayuu yiri George Kigani oo ah Mas’uulka Booliska ee Gaarisa.

Weerarkan ayaa yimid todobaadyo un ka dib markii sidan oo kale weerar dhabagal ah uu kaga dhacay wadada Isku xirta Mandheera iyo Gaarisa Kaas oo lala beegsaday Saraakiil Ka tirsan booliska Kenya.

Xarakada mujaahidiinta Al shabaab ayaa horay u sheegatay Mas’uuliyada weerar Xoog ku gal ahaa oo bishii Janaayo ee la soo dhaafay ka dhacay Deegaan lagu magacabo Giriley halkaas oo lagu dilay Saraakiil kuwa kalena lagu soo Qafaashay.