Qaraxyada oo aad u xooganaa waxey aroorinamadii hore ee saaka ka dhaceen qeybo ka mid ah magaalada Baladweyne waxaana lala eektay ciidama ka tirsan kuwa Xabashida Ithoobiya oo ku suganaay Bariga magaalada Baladweyne.
Qaraxyada oo gaaraya ilaa labo qarax ayaa midka hore waxa uu ka dhacay xaafada Buunda weyn oo ka tirsan magaalada Baladweyne iyadoona dadka ku dhaqan xaafadaasi warbaahinta u sheegeen in ay arkeen tiro ka tirsan ciidamada Xabashida Ithoobiya oo dhimasha iyo dhaawac ku noqday qaraxaasi.
Qaraxa labaad ayaa ka dhacay xaafada Xaawa taaka oo ku taala bariga magaalada Baladweyne waxaana sidoo kale jiro tiro ka tirsan ciidamada Xabashida oo ku halaagsamay qaraxaasi.
Xilligii qaraxyada saaka lala bartil maameed sanayay ciidamada Xabashida Ithoobiya waxey waqtigaasi ku maqshuul sanaayeen dhaan sashada biyaha oo maalin kasta ay ka qaataan Ceelasha Baladweyne.
Dadka maagaalada ayaa si doo kale sheegay qaraxyada ka dib in ciidamada Xabashida Ithoobiya gudaha magaalada Baladweyne ka sameeyeen howl galo ay ku dhibaateynyaan dadka shacabka waxaana jiro tiro dad ah oo ay qabqabteen islamarkaana ay la aadeen xabsiyada ay ku leeyihiin gudaha magaalada Baladweyne.
Calamada online; Maxamuud akhbaar.
Last Comments (Fikrado)