Xoogaga Kacdoonka Suuriya Oo Rejaynaya in Bisha Ramadaan ay Qabsadaan Magaalada Dimishiq.

Filed under: News |

Xoogaga  Kacdoon wadayaasha wadanka Suuriya ayaa ku dhawaaqay in ay rejeynayaan soo afjaridda Nidaamka Bishaar Al-asad bisha Ramadaan gudaheeda waxaana dhacaya dagaallo xoogan oo dhanka caasimadda usoo durgay.

Mas’uul katirsan Jabhadda Nursah Al-islaamiya ayaa sheegay in ay suurtagal tahay soo afjaridda Dowladda Bashaar inta laguguda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.

kumanaan katirsan ciidamada xoogaga kacdoon wadayaasha ayaa iyana gudaha ugalay magaalada caasimadda ah ee dimishiq halkaasi oo dagaallo culus kula galeen ciidanka ilaalada Madaxtooyada Bashaar ee Xarasul Jamhuuriga loo yaqaan.

Dagaalka ka socda magaalada Dimishiq ayaa saameeyay dhamaan adeegyadii magaalada waxaana la sheegayaa in shirkadda Isgaarsiinta Suuriya oo dowladdu maamusho hawada laga saaray taasi oo ka dhigan in nidaamka Al-asad uu xaalad halis ah kujiro.

Inkastoo ay dagaaladu gudaha usoo galeen magaalada Dimishiq hadane ciidamada Bashaar Al-asad waxay weli ka dagaalamayaan magaalooyinka waaweyn sida Ximsa,Xalab.Idlib iyo gobolka Istiraatiijiga ah ee Dirca.

Dowladaha reer galbeedka oo isku dayayay in ay fashiliyaan kacdoonka suuriya ayaa xaalad quus ah taagan waxaana laga yabaa in maalmaha soo socda ay soo saaraan go’aano ay ku xadayaan guusha shacabka Suuriya.

Bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay ayay xoogaga Kacdoon wadayaasha Liibiya iska xureeyeen nidaamkii faasidka ahaay ee Mucamar Al Qadaafi waxaana laga yaabaa in Reer Suuriya ay iyana iska Eryaan Hogaamiyaha Calawiga Faasidka ah ee  Suuriya maamula.

Max’med Cadde Calama Online