Ciidamada mujaahidiinta Wilaayada islaamiga Jubooyinka ayaa Weeraro xoogan Caawa ku qaaday Tuulada Qooqaani oo ah saldhiga labaad ee ciidamada Kenya ay ku leeyihiin jubooyinka iyadoona warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan goobaha lagu qaaday weeraradaasi.
Dagaalka ayaa ku bilowday Madaafiic Xoogan oo lagu garaacay saldhigyadii Ciidamada Kenya ee halkaasi ku yiilay iyadoona markii dambe uu bilowday dagaal toos ah oo mujaahidiintu ay ku qaadeen saldhigyo gaar ah oo cadowga uu halkaasi ku lahaa.
Idaacadda Islaamiga Andalus Xarunteeda Magalada Kismaayo ayaa si toos ah u tabineysay Dagaalka iyo goobaha ciidamada Mujaahidiintu ay ku qaadeen iyadoona Idaacadu ay baahisay in dagaalka uu yahay mid saf balaaran ah oo ciidanka mujaahidiinta ay ku weerareen ilaa dhowr saldhig oo gudaha Tuulada ah.
Tuulada Qooqaani ayaa ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee hadda cadowga talisyada u ah taas oo keentay in si xiriir ah ay mujaahidinta u weeraraan habeen iyo maalin waana saldhiga labaad ee Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Jubooyinka marka laga soo tago Taliska Taabto.
Ilaa hadda lama hayo Qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi iyo waxyeelada uu cadowga gaarsiiyey, maadama waqtigu uu ahaa Xilli habeen ah waxaa adag in la ogaado qasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray Kufaarta Kenya.
Last Comments (Fikrado)