Dagaalada oo aad u xooganaa waxey xalay ka dhaceen qeybo kamid ah wilaayada Islaamiga ee Gado iyo sidoo kale duleedka wilaayada Banaadir iyadoona dagaaladaasi waqtiya kala duwan goobahaasi ka dhaceen.
Dagaalka ka dhacay duleedka Muqdisho waxa uu bilowday kadib markii fiidkii hore ee xalay ciidamada Mujaahidiinta Xarakada Alshabaab weerar xoogan ku qaadeen fariisimo ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka daba dhilifyada u ah ay ku leeyihiin gudaha deegaanada Calamada iyo Ceelasha biyaha oo kawada tirsan degmada Lafoole.
Dagaalka oo ku dhawaad saacad soconayay waxaa la isu adeegsaday hubka nooc yadiisa kala duwan waxaana jiro warar sheegaya in qasaaro naf iyo maal ah ciidamada kufaarta afrikaanta iyo kuwa TFG-da lagu gaarsiiyay dagaalakaasi.
Dhanka kale deegaanka Ceel cade oo ka tirsan wilaayada Islaamiga ah ee Gado waxaa xalay saqdii dhexe ka dhacay dagaal aad u xoogan, iyadoona dagaalku bilowday kadib markii Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab weerar ku qaadeen fariisimo maleeshiyaadka TFG-da ku leeyihiin gudaha deegaankaasi.
Dadka ku dhaqan deegaanka ceel cade ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen askar ka tirsan maleeshiyaadkaasi oo ku halaagsamay dagaalka, dagaalka xalay ka dhacay deegaanka Ceel cade ee wilaayada Gado ayaa ku soo aadaya xili shalay dagaal xoogan uu ka dhacay duleedka degmada Fafax dhuun oo ka tirsan Gado kaasi oo dhexmaray Ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab iyo kuwa Kenya iyadoona wararka saaka laga helayo halkaasi ay sheegayaan in duleedka Fafax dhuun lagu arkay meydadka askar Kenyaati ah oo ku halaagsmay dagaalkii shalay halkaasi ka dhacay.
Calamada online; Maxamuud akhbaar.
Last Comments (Fikrado)