Ciidamada shisheeye oo saaka gaaray deegaanka Bariire oo ka tirsan Wilaayada Islaamiga ee Sh/hoose Daqiiqado koobane ku sugnaa gudaha deegaanka waxey halkaasi ka sameeyeen howl galo ay ku dhibaateeyeen dadka shacabka ee ku dhaqan gudaha deegaanka Bariire.
Dadka deegaanka Bariire ayaa sheegay markii ciidamada Kufaarta afrikaanta oo ay la socdaan maleeshiyaad ka tirsan TFG-da gaareen deegaanka Bariire durbadiiba halkaasi ay ka bilaabeen dhaqamada ay caanka ku yihiin ee ku aadan dhibaateyna dadka masaakiinta iyagoona jirdilo kula dhaqaaqay qaar kamid ah dadka deegaanka ku dhaqan.
Sidoo kale dadka deegaanka Bariire waxey intaasi ku dareen in ciidamada shisheeye markii dib kaga laabanayeen deegaanka ay horay u wateen tiro dad ah oo ay ka qafaasheen deegaanka Bariire waxaana ku jira Imaam Masjid iyo Macalin dugsi Quraan iyadoona arintaasi cabsi ku abuurtay dadka deegaanka gaar ahaan ehelada dadka maanta ciidamada shisheeye ka qafaasheen gudaha deegaanka Bariire.
Xaalka deegaanka Bariire ayaa waqti xaadirkaan ah mid dagan iyadoona ciidamada kufaarta afrikaanta ku laabteen goobihii ay saaka ka soo bexeen oo ku yaala duleedka degmada Afgooye waxaana gudaha deegaanka ku sugan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
Calamada online; Maxamuud akhbaar.
Last Comments (Fikrado)