Likud iyo Kadima Oo Kala Booday iyo Sarkaal Mossad-ka katirsanaay oo ladilay.

Filed under: News |

Mugdi ayaa ku jira qaabka uu u dhintay Mas’uul sare oo katirsanaay hay’adda sirdoonka Yahudda ee Musaadka loo yaqaan xilli khilaafaadyo xoogan u dhexeeyaan Axzaabta siyaasadda Yahuudda.

Saxaafadda Yahuudda iyo midda reer galbeedka ayaa faafisay in uu dhintay Jiyoor Tasxoor oo xubin firfircoon ka ahaay Yahuudda islamarkaana ku lug lahaaday howlgallo ay dibadda ka sameeyeen Musaadka Yahuudda.

Tasxoor ayaa ahaay 70-sana jir waxaana la sheegay in rag hubaysan ay ka rideen mooto uu ku dhaxmarayay magaalada Tabaabiib ee gudaha dhulka Yahuuddu xoogga ku heysato.

Jariiradda Yadcood Axranood ee kasoo baxda dhulka Yahuudu maamusho ayaa baahisay in mugdi weyn uu ku jiro qaabka loo dilay Tasxoor,  wargeyska Sunday Times oo ingiriiska laga leeyahay ayaa iyana baahisay in Tasxoor uu horay ugu lug lahaaday howlgallo basaasnimo oo Iiraan iyo Talyaaniga ka dhan ahaay.

Ninkan Yahuudiga ah ee ladilay ayaa sanaddii 1988 hogaaminayay guutada Jawaasiista musaadka Yahuudda ee Keedoon loo yaqaan, dilalka saraakiisha ee Isra’il wuxuu kusoo aadayaa xilli xaalad cabsi ah ay wajahayso Yahuudda sahyuuniyadda oo ka cabsi qabto in kacdoonada Carabta ay xaaqaan maamulkooda.

Dhinaca kale khilaafaad xoogan ayaa u dhexeeya Axzaabta siyaasadda maamulka Yahuudda kaasi oo salka ku haya arrimaha siyaasadda Xizbiga Kadiima ayaa iclaamiyay in uu isaga baxay hanaanka awood qeybsiga ee ay ku dhisantahay xukuumadda  wadaagga Yahuudda.

Shaalon Mafaaz oo xizbigaasi hogaamiya ayaa sheegay in xizbigiisa uu talaadadii faaruqay xizbiga Likuud ee uu madaxa ka yahay Benyamiin Netenyaahu, mafaaz ayaa warbaahinta u sheegay in khilaafka u dhexeeya madaxda yahuudda uu salka ku hayo adeegyada dhanka milleteriga kaasi oo laysku maan dhaafsanyahay.

Netenyaahu R/wasaaraha Yahuuda oo isna hadlay ayaa sheegay in dhankooda ay ka xunyihiin ka bixitaanka Kadiima wuxuuna walaac ka muujiyay qaabka ay usii shaqeyn karto dowladdiisa, haweenayda arrimaha dibadda uqaabilsan mareykanka Clinton oo dhawaan booqatay dhulka Yahuudda  xoogga  lagu dejiyay ayaa labada dhinac kula dardar gelisay in ay iskusoo dhawaashiyo muujiyaan ayna u diyaar garoobaan jawiga cusub ee uu galay wadanka Masar.

Max’med Cadde Caladama Online