Kolonyooyin Ka Tirsan Ciidamada Xabashida Oo Isaga Baxay Magaloyinka Baydhabo Iyo Qansaxdheere (Xog Rasmi Ah).

Filed under: Allpost,News |

Ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku soo duulay Bay iyo Bakool ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay ka wadaan magaloyinka ay kaga sugan yihiin Wilaayada taas oo la xiriirta diyaar garow ay ugu jiraan ka bixitaan ay ku doonayaan in ay ku baneeyaan Wilaayada sida laga soo xigtay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Kolonyooyin ka tirsan Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa maanta isaga baxay magaloyinka Baydhabo iyo Qansaxdheere kuwaas oo u jiheystay dhanka degmada Bardaale oo ka mid ah goobaha ku soo duuleen iyadoona wararku ay sheegayaan ciidamadaasi ay ku wajahan yihiin gudaha Itoobiya.

ilo Wareedyo ku sugan Bay iyo Bakool ayaa xaqiijinaya in maanta Xabashidu ay magaloyinka baydhabo iyo Qansaxdheere ka bilowday dhaqdhaqaaqyo ay ku saareyso qaar ka mid ah ciidankeeda, Ku dhawaad 50 gaari oo isugu jira Xamuul iyo kuwa dagaal ayaa ka baxay magalada Baydhabo iyadoona warar kale duwan ay ka soo baxayaan Qorshaha Xabashidu ay ka leedahay arinkaasi.

Goobjoogeyaal ku sugan magalada Qansaxdheere ayaa dhankooda noo xaqiijiyey in tobaneeyo ka mid ah Ciidamada Xabashida ay ka soo baxeen dhanka Qansaxdheere kuwaas oo u jiheystay dhanka Bardaale, iyadoona kolonyadaasi Weerar loo adeegsaday Miinooyinka dhulka lagu aaso lagula beegsaday meel u dhow Deegaanka Awdiinle.

Warar Xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in mid ka mid ah gaadiidka Uraalka loo yaqaano ee Kufaarta Itoobiya uu ku gubtay Qaraxaasi oo loo dhigay kolonyadii ka soo Ambabaxday dhanka Qansaxdheere, Qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa jira balse si rasmi ah looma hayo tiradooda.

Dhaqdhaqaaqyadan oo Xabashida Itoobiya maalmihii la soo dhaafay ay ka waday magaloyinka Qaar ee Bay iyo Bakool ayaan la ogeyn waxa uu salka ku hayo iyo ujeedka ka dambeeya balse mudooyinkii la soo dhaafay waxaa jiray dhibaatoyin dhanka sahayda ah oo ka heystay wadooyinka isku xira magaloyinka ay ku soo duuleen taas ay sii dheer tahay weerarada xiriirka ah ee kaga imaanaya dhanka Mujaahidiinta.

Ciidamada Itoobiya ayaa dhamaadkii Bishii May ee sanadkan isaga Cararay Magaloyinka Ceelbuur iyo Wabxo ka dib markii ay Weeraro habeen iyo maalin ah kala kulmeen geesiyada Islaamka oo ku guuleystay in cadowga ku naafeyaan goobaha uu ku soo duulay ayna xiraan isu socodkiisii gaadiidka taas oo ugu dambeyntiina fududeysan in Xabashidu ay isaga huleesho halkaasi.