Wararka ka imaanaya Suuriya ayaa xaqiijinaya in ladilay wasiirkii Difaaca Suuriya iyo Ku xigeenkiisi oo kamid ahaay shakhsiyaadka lafdhabarta u ah dowladda sii dhacaysa ee Bashaar Al-asad hogaaminayo.
Qarax weyn oo ka dhacay dhisma dowladeed oo ku yaalla magaalada Dimishiq waxaa lagu dilay tobaneeyo qof oo ubadan saraakiisha wasaaradaha difaaca iyo arrimaha gudaha Xukuumadda Suuriya.
Telefeshinka Afka Dowladda ku hadla ayaa xaqiijiyay in ladilay wasiirkii Difaaca Suuriya Daa’uud Raajax iyo Ku xugeenkii sidoo kale waxaa weerarka lagu dhaawacay wasiirkii arrimaha gudaha.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Nin ka xaynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay uu isku qarxiyay dhismaha weerarku ka dhacay oo xiligaasi ay ku shirayeen golaha wasiirada Suuriya.
Dhinaca kale dagaallo culus ayaa ka socda bartamaha magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya xoogaga kacdoon wadayaasha ayaa isku fidiyay xaafado badan oo caasimadda katirsan waxayna ladagaalamayaan ciidanka Xarasul Jamhuuriga.
Illaa Hadda tirada lacaalamadeeyay ee ku dhimatay qaraxii maanta waa 70 qof oo badankood ay yihiin mas’uuliyiin waxaana kamid ah wasiirka difaaca,Ku xigeenkiisa,seediga Bashaar Al-asad Aasif Showkat waxaa kale oo gadaal ka geeriyooday wasiirka arrimaha gudaha oo isagoo garaab ah goobta laga qaaday markii dambanaya dhintay, sibitaalka weyn ee dowladda Suuriya wuxuu sheegay in xaaladda caafimaad ee wasiirka difaaca ay meel dhaxaad tahay.
Tani waxay dhabar jab weyn ku tahay nidaamka faasidka ah ee ka jira wadanka Suuriya, jamaaco islaami ah oo lagu magacaabo Liwaa’ul Islaam ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi halyaynimo.
Xoogaga Kacdoon wadayaasha ayaa isku balansaday in bisha ramadaan ee dhawaan bila doonta gudaheeda ay ridaan Dowladda Calawiyiinta ku badanyihiin ee Suuriya.
Max’med Cadde Calamada Online
Last Comments (Fikrado)