Beesha Ciroole Oo Ugaas Cusub Dooratay.

Filed under: News |

Kadib munaasabad balaaran oo ka dhacday degmada Sablaale oo ka tirsan wilaayada Islaamiga ee Sh/hoose waxey beesha Ciroole oo kamid ah beelaha Soomaliyeed ee degta qaar kamid ah gobalada dalka Somaliya  dooratay Ugaas cusub oo ay beeshu yeelatay.

Goobta munaasabada waxaa ku sugnaa mas,uuliyiin ka tirsan wilaayada Sh/hoose  waxgaradka iyo nabadoonada beesha Ciroole oo ka kala yimid qaar kamid ah wilaayaatka dalka.

Ugaaska cusub ee beesha Ciroole ugaas Sheekh Ibraahim Maxamed Nuur oo munaasabada ka hadlay waxa uu sheegay in beesha u hor kacaya sii xoojinta kaalinta beesha ay kaga jirto difaacida diinta Islaamaka isagoona ku celceliyay in beesha ay tahay Ansaar,  Muslimiintana ay ka gali doonto kaalinta uu kaga jiro Mulla Maxamed Cumar oo ah Amiirka Imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan.

Ugaas Sheekh Ibraahim waxa uu kula dardaarmay qeybaha ay ka kooban tahay beesha Ciroole iney ku garab istaagaan difaacida diinta Islaamka.

Sidoo kale goobta munaasabada waxaa ka hadlay waxgaradka beesha Ciroole iyagoona xusay in Ugaaska cusub ay kuwada balameen ka qeyb qaadashada dagaalka Jihaadka ee ka soconaya Somaliya iyo guud ahaan Caalamka.

Calamada online; Maxamuud akhbaar.