Iska hor imadkan ayaa waxa uu dhexmaray maleeshiyaad kawada tirsan TFG-da kuwaasi oo qaab beeleed ah u wada dagaalamay, waxaana uu ka dhacay xaafada Suuq boocle oo ka tirsan degmada dharkenley ee gudaha wilaayada Banaadir.
Rasaasta ay is weedaarsanayeen maleeshiyaadku waxey gudaha degmada ka dhaceysay in kabadan labo saac oo xiriir ah taasi oo sababtay in uu hakad gala dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka qeybo badan oo ka mid ah degmada Dharkenley.
Dadka ku dhaqan xaafada Suuq boocle oo ah goobta iska hor imaadka uu ku dhexmaray maleeshiyaadka ayaa sheegay iney arkeen tiro ka tirsan maleeshiyaadka oo isugu jirto saraakiil iyo askar oo dhimasha iyo dhaawac ku noqday iska ho imaadka maleeshiyaadka TFG-da ku dhexmaray gudaha degmada Dharkenley.
Ma ahan markii ugu horeysay oo iska hor imaad dhexmara maleeshiyaadku balse soo laab laabashada arintaan ayaa waxaa sabab looga dhigayaa maleeshiyaadka oo qabiil qabiil isku xigsada iyo muran joogta ah oo maleeshiyaadku ka dhextaagan taasi oo horseed u noqotay in saraakiil iyo askar farabadan maleeshiyaadku gacmahooda isaga dilaan.
Maxamuud akhbaar.
Calamada online.
murtadiin waa wax caadaqaatayaala waxeey isku dilaayaan qabyaalad,jaad caraq eey cabaan xoolaha dadka muslimiinta eey ka soo dhacaan ileen iyagu diintoodii weey gateene iwm iimaan laawayaal tuuga
abuu cumar
July 24, 2012 at 10:41 pm