Dowladda Tajakistan oo Askar Badan looga laayay Dagaallo ka dhacay gudaha Wadankaasi.

Filed under: Allpost,News |

Ciidamada Mujaahidiinta ee  ka dagaalamaya gudaha Tajikistan ayaa weeraro is xig xigay ku qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada xukuumadda Dabadhilifka ee wadankaasi.

Dagaal saacado qaatay ayaa lasoo sheegayaa in ciidamada mujaahidiinta lagaleen ciidamada dowladda oo isku dayayay in ay mujaahidiintu ka qabsadeen magaalo dhacda gobolka Badshi-khan ee dhaca bariga wadankaasi.

Wakaaladda Wararka u faafisa Tajikistan oo soo xiganaysa mas’uulyiin katirsan wasaaradda difaaca wadankaasi ayaa sheegtay in 12 katirsan ciidanka Dowladda lagu dilay dagaalka ay mujaahidiinta lagaleen islamarkaana waxyeello xoogan  gaartay mid kamid ah diyuuradaha qumaatiga u kaca ee ay isticmaalaan Milleteriga wadankaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiinta jamaacada islaamiga ah ay dileen Cabdullaahi Nazaraaf oo dowladda Tajiskistan ugu magacaawnaay gobolka Badshi-khaan ee dhaca bariga wadanka.

Mujaahidiinta Jamaacada Islaamiga ah ee wadankaasi ayaa dhankooda xaqiijiyay in Laba mujaahid kaga shahiideen dagaalkii qaraaraa ee ka dhacay magaalada Khowroj ee dhacda xadka ay wadaagaan Afghanistan iyo Tajikistan.

Sarkaalka katirsan Dowladda ee Nazroof ayaa ahaay Generaal jago sare ka hayay ciidanka Milleteriga wadankaasi isagoona mar soo hogaamiyay koox Falaaggo Mowmi ah markii dambana dowladda ku biirtay, jamaacada islaamiga Tajikistan ayay dowladaha mandiqadda ee Mareykanka la shaqeeya ku dareen liiska waxa loogu yeero argagaxisada.

Taliska Milleteriga Mareykanka ee Afghanistan ayaa horay u sheegay in mujaahidiinta Taliban Afghanistan ay hub iyo saanado ciidan u xaluuliyaan dhanka Tajikistan taasina ay sababtay in jamaacada islaamiga ee Tijikistan xoojiso dagaalka ay kula jirto cadawgeed.

Max’med Cadde Calamada Oline

 


One Response to Dowladda Tajakistan oo Askar Badan looga laayay Dagaallo ka dhacay gudaha Wadankaasi.

  1. Rabbow ugargaar meel kast oo ay joogaamba mujaahideentaada

    Niyad ku halgan
    July 24, 2012 at 9:28 pm