Ciidamada Xabashida Ithoobiya oo Xabsiga Dhigay Saraakiil Ka tirsan TFG-da

Filed under: News |

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in ciidamada Xabashida Ithoobiya ee ku sugan gudaha magaaladaasi  ay xabsiga dhigeen saraakiil sarsare oo ka tirsan maamulka TFG-da ugu magacaaban gobalada Bay iyo Bakool, waxeyna ku xireen Axmaaradu ku leeyihiin gudaha magaalada Baydhaba.

Saraakiisha xabsiga la dhigay waxaa ka mid ah Aadan Doosh oo TFG-da ugu magacaaban taliyaha Booliska gobalka Bay iyo  Bakool  sidoo kale saraakiishaasi waxaa ka mid ah Aadan Biit oo isagana ah taliyaha booliska Baydhaba.

Sababta keentay xariga saraakiishan ayaa lagu tilmaamay kadib markii ciidamada Ithoobiya ku eedeyeen iney sugi waayeen amaanka goobaha cadowgu ka qabsaday Bay iyo Bakool, waxeyna sidoo kale wararka qaar sheegayaan inuu jiro khilaaf soo kala dhexgalay ciidamada Xabashida iyo saraakiisha ay xabsiga dhigeen.

Saraakiishan xabsiga la dhigay ayaa qeyb ka noqonaya rag farabadan oo meela kala duwan ay ku xireen ciidamada xabashida Ithoobiya kuwaasi oo si toos ah ula shaqeeya Axmaarada,  iyadoona qaar ka mid ah saraakiishaasi xasbiga lagu ilaaway.

Maxamuud akhbaar.

Calamada online.