Tartankan Quraan aqriska ah ayaa waxaa ku tartamaya arday ay da,dooda kawada yartahay 15 jir kuwaasi oo ka kala socda dugsiyada Quraanka ee ku yaala gudaha magaalada Marko iyo deegaanada hoos yimaada waxaana tartanku si toos ah kaga bilowday masjidka Alraxma oo ku yaala gudaha magaalada Marko.
Furitaanka tartanka Quraan aqriska ah ayaa waxaa ka hadlay mas,uuliyiin ka tirsan wilaayada Islaamiga ah ee Sh/hoose waxeyna xuseen in tartanka ay kawada qeyb qaadanayaan wiilal iyo gabdho waxeyna intaa ku dareen in tartanku ka kooban yahay sadex qeybood oo kala ah sodanka jus labaatanka jus iyo tobanka jus iyadoona lagu wado ardaydii tartankan ku guuleysata in ay la tartamaan arday ka kala socoto degmooyinka Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeelada Hoose.
Tartankan Quraan aqriska ah ee ka socda qeybo badan oo ka mid ah wilaayada Sh/hoose ayaa ah mid wilaayadu ugu diyaar garoobeyso ka qeyb qaadashada tartan Quraan aqris guud oo Ramadaan kasto Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab u qabato Wilaayaadka dalka Soomaaliya.
Maxamuud akhbaar.
Calamada online.
Last Comments (Fikrado)