Dagaalada ayaa cawaa Ciidamada mujaahdiintu waxey ku qaadeen difaacyo ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka TFG-da ay kaga sugnaayeen gudaha degmada Afgooye iyo deegaanka Laanta buure.
Dagaalka hore oo muddo hal saac in ka badan qaatay ayaa ka dhacay degaanka Laanta buure halkaa oo Ciidamada mujaahdiinta weerarka ku qaadeen iyadoo la maqlayay hubka culus ee Dagaalkaasi laysku dhaafsanayay.
Waxaa jira qasaare dhimasho iyo dhawac isugu jira oo dagaalka ka soo gaaray Ciidamada shisheeye , iyadoo dagaalkii caawa uu ahaa midkii ugu xoogaan ee ka dhacay dagaanka Laanta Buuro tan markii cadowgu soo galeen.
Sidoo kale caawa 10:30 daqiiqo xilliga Soomaaliya ayaa Ciidamada mujaahdiinta weerar ku qaadeen gudaha degmada afgooye gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka TFG-da iyo kuwa ashahaada ladirirka ah, waxaana halkas ka qarxay dagaal culus.
Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay koontaroolka Baar ismaaciil ilaa xarunta Dugsiga sare ee degmadaasi halkaasi oo dagaalada si saf balaaran ciidamada mujahidiinta ugu qaadeen xaafadahaas.
Maleeshiyaadka ayaa muddo kooban ka dib isaga cararay fariisimayaalkooda halkaas oo caawa sawaxanka Takbiirta Mujaahidinta si weyn looga maqlay, sida ay soo sheegayaan dadka ku dhaqan gudaha xaafadda Xaawo Taako.
Max’med Cadde Calamada Online
Last Comments (Fikrado)