Kamiinka ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Shariif Cabdi Nuur oo horay loo aqooni jiray Xaawa Cabdi waxaana kamiinka loo dhigay kolanyo ka tirsan ciidamada shisheeye oo halkaasi marayay kuna sii jeeday dhanka magaalada Muqdisho.
Rasaasta kamiinka oo socotay daqiiqado xiriir ah ayaa waxaa jiro qasaaro fara badan oo ciidamada kufaarta afrikaanta kasoo gaaray, iyadoona dadka ka agdhaw goobta kammiinka warbaahinta u sheegeen iney arkeen gaari Booyad ah oo goobta ku gubtay iyo gaadiid kale oo waxyeelo la gaarsiiyay.
Sidoo kale wararka ku aadan weerarka dhaba galka ah ayaa sheegaya iney jiraan tiro ka tirsan ciidamada shisheeye oo kamiinkaasi ku halaagsamay, waxaana intaa sii dheer in ciidamada Afrikaanta mudo ay xirteen wadada uu weerarkaasi ka dhacay ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Calamada online.
Last Comments (Fikrado)