Ciidamada Mujaahidiinta Jabhada Bay iyo Bakool ayaa galabta dagaal xoogan oo qaatay muddo saacado ah ku qaaday degmada Xudur kaas oo lagu beegsaday saldhigyada iyo difaacyada ciidamada Xabashida Itoobiya iyo Maleeshiyaadka TFG-da ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi waxaana lagu waramayaa in qasaare xoogan uu soo gaaray cadowga.
Dagaalka ayaa bilowday galabta Saacadu marka ay ahayd toban saac oo galabnimo kaas oo mar qura ka bilowday difaacyada gudaha iyo duleedka degmada Xudur, Saraakiisha Ciidanka qaarkood oo aan xiriiro la sameynay ayaa noo sheegay in ciidamada Mujaahidiinta ay ilaa afar jiha kaga yimaadeen degmada islamarkaana dagaal xoogan uu ka dhacay gudaha degmada.
Goobjoogeyaal ku sugan degmada Xudur ayaa xaqiijiyey in caawa dagaalku uu ka dhacay xaafadaha degmada islamarkaana ciidamada mujaahidiinta lagu arkayey wadooyinka iyo xaafadaha degmadaas iyagoona sheegay in mujaahidiinta ay gacanta ku dhigeen inta badan Xaafadaha magalada.
Wariye ka tirsan Idaacadda Islaamiga Andalus oo ku sugan Bay iyo Bakool ayaa sheegay in dagaalkii galabta uu qaatay muddo ku dhawaad afar saacadood ah islamarkaana hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsaday, Wariyaha ayaa sheegay in firxadka Xabashida iyo maleeshiyaadka TFG-da uu ku baxsaday dhanka garoonka.
Qasaare lixaad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa soo gaaray ciidamada Xabashida Itoobiya iyo Maleeshiyaadkii Dabadhilifka u ahaa balse ma jirto ilaa hadda war rasmi ah oo laga hayo qasaaraha cadowga waqtiga oo habeen ah darteed.
Magalada Xudur ayaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale u martigelisay dagaalo xoogan oo ciidamada mujaahidiinta ay ku qaadeen saldhigyada iyo difaacyada xabashida ee gudaha degmada iyadoona dagaaladaasi ay qeyb ka yihiin weeraro xiriir ah oo lagu naafeynayo kufaarta soo duushay.
Calamada Online
Last Comments (Fikrado)