Xiisad kacsanaan ah ayaa ka Taagan degmada Afmadoow taas oo la xiriirta Askari lagu toogtay gudaha degmadaasi iyadoona laga cabsi qabo in maleeshiyaadka ku wada sugan degmadaasi ay markale isku dhacaan sida ay ku waramayaan dadka deegaanka.
Askari ka tirsan ciidanka TFG-da ee ku sugan degmada Afmadoow ayaa barqonimadii maanta Askari kale ku toogtay halkaasi islamarkaana isaga baxsaday degmada waxaana wararku ay sheegayaan in hadda maleeshiyaad ku heyb ah ninka la toogtay ay bilaabeen hub uruursi iyo abaabul xoogan oo ay ku aargudanayaan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in xiisad dhanka dagaalka ah laga dareemayo gudaha degmada islamarkaana maleeshiyaadka uu ka dhashay ninka la dilay ay bilaabeen baaritaan iyo howlgalo ay dadku soo qabqabteen kuwaas oo ay xabsiyada dhigeen iyagoo kaga shakisan in ay weerarkaasi wax ka ogyihiin.
Rasaas ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah Xaafadaha degmada taas oo ay ridayeen maleeshiyaadka qaarkood, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ninka dilka geystay uu ka baxsaday degmada balse kooxihii wax laga dilay ayaa looga cabsi qabaa in ay aargudasho ahaan u weeraraan maleeshiyaadka uu ka soo jeedo ninka wax dilay.
Xiisadan ayaa timid xilli xalay degmada Afmadoow lagu qaarijiyey labo maleeshiyo oo ka tirsan TFG-da kuwaas oo hubkiina laga qaatay.
kala shaki weyn iyo khilaaf ayaa soo kala dhexgalay maleeshiyaadka TFG-da ee ku sugan degmadaasi iyadoona qilaafkan uu barbar socday is uruursi iyo dhaqdhaqaaqyo ay wadaan qaar ka mid ah maleeshiyaadka TFG-da ee isku heybta ah.
Last Comments (Fikrado)