Ciidamada Afrikaanta Oo xabsiga u taxaabay Farmaajo Iyo Rasaas Laga Maqlay Meel U dhow Dhismaha Gudiga Xulista Baarlamaanka.

Filed under: Allpost,News |

Ciidamo ka tirsan kuwa Afrikaanta ee ilaaliya DKMG ah ayaa caawa fiidkii isku gadaamay hooyga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay R/Wasaarihii hore ahna mushuraxa madaxtinimada maamulka DKMG ah Max’ed C/llaahi Farmaajo iyagoona hubka ka dhigaya ilaaladiisii.

Ilaa hadda lama oga sababta ka danbeysa tallaabadaas waxaana la sheegay ciidamadu in la baxeen Farmaajo isla markaana ay u kaxeeyeen saldhig ciidan, waxaana la sheegayaa in halkaas su’aalo badan ay ku weydiiyeen masuuliyiin DKMG ah iyo Afrikaanta isugu jira.

Warar goor dhaweyd na soo gaaray ayaa sheegaya in tallaabadani ay qeyb ka tahay meel marinta amar ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha kaas oo ku aadan in howlgallo hub ka dhigis ah laga sameynayo magaalada Muqdisho taas oo saameyn doonta murashaxiinta cusub.

Warar sidoo kale na soo gaaray ayaa sheegaya in Farmaajo uu dib u helay xoriyaddiisii, isla markaana lagu soo celiyay hoygiisa, laakin ilaaladiisa ayaan wali loo soo celin hubkii laga qaaday, arrinkan oo laga cabsi qabo inuu abuuro isku dhac weyn.

Dhanka kale  hal qof ayaa dhintay ka dib israsaaseyn dhexmaray maleeshiyo kawada tirsan kuwa TFG agagaarka dhismaha ay daggan yihiin guddiga xulista baarlamaanka iyo guddiga xallinta khilaafaadka.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Sababaha dhaliyey iska horimaadkaasi iyadoona wararka aan la hubin ay sheegayaan in maleeshiyaadku ay kala taabacsan yihiin labo ka mid ah Musharixiinta isu soo taagay xilka madaxtinimo.

Iska hor imaadkan ayaa yimid maalin un ka dib markii maleeshiyo taabacsan Shariif Sh Axmed ay rasaas ku fureen taageerayaal soo dhaweynayey farmaajo agagaarka siyadka waxaana rabshadahan soo noqnoqday ay bilow u yihiin qalalaaso aan dhamaad lahayn oo la filayo in ay ka dhex qarxaan hogaanka TFG-da iyo Siyaasiyiinta u hanqal taagaya Xilka madaxtinimo.