Gudiga Doorashooyinka Dalka Kenya ayaa aad kaga walaacsan Xaalada Amaan darada ah ee ka jirta Magaloyinka waaweyn ee dalkaasi iyagoona ka digay rabshado la mid ah kuwii sanadkii 2007 ka qarxay daka ka dib doorashadii lagu murmaray ee dhexmartay madaxweynaha dalkaas iyo Ra’isul Wazaaraha hadda talada haya.
Saraakiisha dhanka Amaanka iyo laamaha Booliska ayaa feejignaan dheeri ah ku jira kuwaas oo ka cabsi qabo weeraro halis ah oo ka dhaca dalkaasi inta lagu guda jiro Doorashooyinka madaxtinimo ee sanadka soo socda lagu wado in ay bilowdaan dalkaasi.
Qaraxyo iyo weeraro ayaa hareeyey Kenya sanadkan kuwaas oo bilowday markii ay duulaan toos ah ku soo qaaday wilaayada koonfurta Somalia waxaana hadda laga cabsi qabaa in weerarada iyo qaraxyadu ay sii xoogeystaan, Gudiga doorashooyinka ayaa sheegay in Sidoo kale laga cabsi qabo kooxo kale oo mucaraad ah in ay rabashado ka kiciyaan dalka iyagoo ka faa’ideysanaya dagaalka kenya kala dhexeeya Mujaahidiinta Somalia.
Madaxweynaha dalka Kenya Kibaaki oo goor sii horeysay hadlay ayaa sheegay in ay jiraan dad doonayaan in ay soo celiyaan rabshadihii ku dhuftay dalkaasi sanadkii 2007 kuwaas oo uu sheegay in qaarkood ay ka soo jeedaan dhulka Xeebaha gaar ahaan Magalada Mombasa iyo deegaanada ku dhow dhow.
Mucaaradka ka soo jeeda dhulka Xeebaha oo ah koox gooni isu taag ah ayaa dhawaan laga diiday codsi ay u dirsadeen hogaanka dowlada Kenya.
In Ka Badan kun ruux ayaa ku dhimatay kuwa intaas ka badana dhaawacyo ayaa soo gaaray intii lagu jiray doorashooyinkii lagu murmay ee sanadkii 2007 ka dhacay gobolada dalkaasi waxaana laga cabsi qabaa in qalalaasuhu ay sii kordhaan sanadkan maadaama laga cabsi qabo in Mujaahidiinta Somalia ay ka faa’ideystaan rabshadahaasi.
Last Comments (Fikrado)