Dad goobjoogeyaal ah ayaa xaqiijiyey in ilaa 3 gantaal oo la rumeysan yahay in laga soo tuuray dhanka Badda ay ku soo xaafado ku yaalla Bariga iyo Woqooyiga magaalada Kismaayo halkaas oo tiro dad ah ay ku shahiideen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.
Gantaalada ayaa dhamaantood waxa ay ku dhaceen guryo dad rayad ah ay ku nool yihiin oo ku yaalla magalada Kismaayo iyadoona inta la xaqiijiyey ay Seddax ruux ku shahiideen Duqeyntaasi halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen sida uu xaqiijiyey qof ka mid ah dadka deegaanka oo qaraabadiisu ay wax ku noqotay duqeyntaasi.
Qofkaas oo la hadlay Idaacada Islaamiga Andalus Xarunteeda Magalada Kismaayo ayaa sheegay in mid ka mid ah guryihii ay duqeyntu ku soo dhacday uu bur bur xoogan soo gaaray islamarkaana Aabihii guriga uu dhaawac soo gaaray iyadoona durbaba dadka dhaawacyada qabay Isbitaalka magalada la dhigay.
Labada Gantaal ee kale ayaa u kala dhacday labo meel oo kala duwan iyadoona mid ka mid ah gantaalada uu dilay Qof dumar ah halka mid kalena isagoo aan qarxin uu ku soo dhacay mid ka mid ah Xaafadaha Kismaayo sida ay ku waramayaan dadka deegaanka.
Marar sii horeysay ayaa duqeymo gardarro ah sidaasi oo kale loogu geystay magaalada Kismaayo iyadona cadowga uu ku faanay inuu laayay ciidamada Mujaahidiinta, balse ay iska indha tirayaan waxyeelada ay u geysanayaan dadka maatida ah.
Calamada Online
Last Comments (Fikrado)