Maleeshiyaatka Dowlada Federaalka Iyo Dad Shacab Ah Oo Ku Dagaalamay Duleedka Muqdisho.

suuqa ceelasha bakaara 2Saacadihii lasoo dhaafay waxaa iska hor’imaad muddo socday dadka deegaanka iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka uu ku dhaxmaray duleedka magaaladan Muqdisho’iyadoona iska hor’imaadka uu sababay khasaara nafeet.

Iska hor’imaadka waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Ceelasha biyaha gaar ahaan dhanka Goofafka’iyadoona iska hor’imaadka uu sigaar ah u dhexmaray dadka iska leh goofka oo hubeysnaay iyo maleeshiyaatka dowlada oo iyagoo raaf ka wada duleedka Muqdisho gudaha u galay goofkaasi.

Wararka qaar waxey sheegayaan in dadka deegaanka rasaasta bilaabeen markii ay arkeen iney goofka si amar la’aan ah kusoo galeen maleeshiyaatka dowlada’waxeyna dadka deegaanka moodeen in maleeshiyaatku doonayaan iney xoog ku qaataan dhulka uu ka koobanyahay goofka sidaasna uu dagaalka ku bilowday.

Sidoo kale war kaasi ka duwan ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay ka war heleen in dhulkooda ay kusoo wajahanyihiin saraakiil ka tirsan dowlada Ridada federaalka oo maleeshiyaat fara badan wata kuwaasi oo doonaya iney xoog ku qaataan dhulkaasi sidaasna ay dadka deegaanka hubka ku qaateen kuna dagaalameen.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyaatka dowlada laga dilay 2 askari hal kalane laga dhaawacay’waxaana dadka deegaanka dhankooda laga dilay hal ruux oo dhalinyaro ah.

Dhawaan ayeey aheed markii deeegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho iska hor’imaad xoogan oo dhiig ku daatay ku dhexmaray dadka deegaanka iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka kuwaasi oo ay horkacayeen saraakiil ciidan oo doonayay iney boobaan boosas dad shacab ah leeyihiin oo ku yaala deegaanka Siinka-dheer.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

 

Comments are closed.