Ibraahiim Nuur Oo Lagu Dhaawacay Degmada Baardheera Ee Gobalka Gedo.

saldhiga ridada iyo maxkamadoodaWararka ka imaanaya degmada Baardheera ee gobalka Gedo waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay gudaha degmadaasi lagu dhaawacay gudoomiyihii maxkamada dowlada Ridada federaalka ee degmadaasi.

Gudoomiyaha la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Ibraahiim Nuur Shacabaan’waxaana la rasaaseeyay xilli uu ku sii jeeday hooyga uu ka deganyahay degmada Baardheera ee gobalka Gedo.

Sarkaalka waxa uu dhaawac kasoo gaaray qeybaha hoose ee jirka’waxeyna rasaas fara badan ka haleeshay labada Lugood’mana jirta ilaa iyo imika cid sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu dhaawacay gudoomiyaha maxkamada dowlada Ridada ee degmada Baardheera.

Maamlihii u dambeeyay waxaa gudaha degmada Baardheera ka taagnaay xiisado u dhaxeeyay saraakiisha dowlada federaalka ee ku sugan degmada Baardheera kuwaasi oo isku heysto arimo beeleedyo.

Calaamda.com

Comments are closed.