Qarax Ka Dhacay Degmada Baraawe Ee Gobalka Shabeelada Hoose.

qaraxyada muqdish lm5444Qaraxan oo ahaa mid aad u xoogan waxa uu saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha degmada Baraawe ee gobalka Shabeelada hoose’iyadoona faahfaahino laga helayo qaraxa.

Qaraxan waxa uu sigaar ah kaga dhacay goob ay ku qayilayeen maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka oo ku dhaw dhismaha hoteel Afrika ee ku yaala bartamaha degmada Baraawe.

Dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada’iyadoona warar hoose ay sheegayaan in tiro ka tirsan maleeshiyaatka dowlada federaalka dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen qaraxaasi.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli habeenkii xalay dagaal culus ciidamada Mujaahidiinta ay ku qaadeen difaacyada maleeshiyaatka dowlada federaalka ee degmada Qoryooley oo iyaduna ka tirsan gobalka Shabeelada hoose.

Calamada.com

Comments are closed.