DAAWO : Godadkii Oo Guryo U Noqday, Si Ay Uga Bad-baadaan Duqeymaha!

GODDadka reer Yemen ayaa dhibaatooyin xooggan kala kulmaya dagaallada iyo duqeymaha ka socda dalkaasi, gaar ahaan waxay dadku dhibaato xooggan ku qabaan duqeymaha ay Xuuthiyiintu ku beegsanayaan deegaanada ay ku nool yihiin dadka rayidka ee ay hareereynta ku hayaan.

Gobolka Al-Daalic ee Koonfurta dalkaasi, toboneeyo qoysas ah ayaa ku khasbanaaday inay u barakacaan godadka, si ay halkaas ugu noolaadaan, iyadoo aysan godadkaas ka jirin Aas aasiyaadka Nolasha.

Iska hor imaadyada kasoo cusboonaaday Mandiqadda Mureys ee Gobolka Daalic ee u dhaxeeya xoogagga Muqaawamada iyo Maleeshiyada Xuuthiyiinta ayaa xaaladda kusii adkeeyay dadkaas rayidka ah, waxaana dadka Shacabka ah ee deegaankaas ku nool khasab ku noqotay inay barakacaan, ayna maciin bidaan inay ku noolaadaan Godadka.

Isha Qoraalka:AmiirNuur Media

Comments are closed.