Maleeshiyaatka Dowlada Federaalka Oo Dad Shacab Ah Ku Rasaaseeyay Xamar Weyne.

Masjidka Marwaazi ee Degmada XamarweyneAskari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada waxa uu saacadihii lasoo dhaafay gudaha degmada Xamarweyne ku rasaaseeyay dad shacab ah oo ku sugnaay qeybo ka mid ah suuqa degmada Xamarweyne.

Inta la xaqiijiyay rasaasta maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka waxaa ku dhaawacmay saddex ruux oo ka mid ahaa shacabkii xilligaasi goobta ku sugnaay kuwaasi oo dhaawacyadooda loola cararay goobaha caafimaatka ee Muqdisho.

Askariga dadka shacabka ku rasaaseeyay gudaha degmada Xamarweyna ayaa la xaqiijiyay inuu cabsanaay’iyadoona maleeshiyaatka dowlada aysan xirin askariga dadka shacabka ku rasaaseeyay bartamaha  Xamarweyne.

Maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ayaa si joogta ah u dhibaateeya dadka shacabka’iyagoona dhowr jeer dadka shacabka ku rasaaseeyay bartamaha suuqyada magaaladan Muqdisho.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.