Ku Dhawaad 10 Ka Tirsan Maleeshiyaatka Xuuthiyiinta Oo Dhimash Iyo Dhaawac Ku Noqday Gobalka Ib.

xuuthiyiinWararka ka imaanaya gobalka Ib ee dalka Yemen waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay qarax lala beegsaday gaari Cabdi bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaatka Xuuthiyiinta’iyadoona qaraxa uu sababay khasaara nafeet oo soo gaartay maleeshiyaatka Xuuthiyiinta.

Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaan lagu magacaaba Al-thaarii oo ka tirsan gobalka Ib’iyadoona burbur xoogan uu soo gaaray gaariga Cabdi bilaha ah ee miinada ay haleeshay.

Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhintay afar ka tirsan maleeshiyaatka Xuuthiyiinta shan kalane weey ku dhaawacmeen kuwaasi oo la sheegay iney dhaawacyadooda culusyihiin.

Sidoo kale tiro madaafiic ah waxaa lagu garaacay goob ay ku kulansanaayeen saraakiisha iyo maleeshiyaatka Xuuthiyiinta oo ka tirsan deegaanka Jabalu Jamaajim oo ka tirsan gobalka Al-beydhaa’waxaana la xaqiijiyay iney jiraan khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo Xuuthiyiinta kasoo gaartay duqeyntaasi.

Qaraxa iyo duqeynta ka kala dhaca gobalada Al-beydhaa iyo Ib ee dhimashada iyo dhaawaca ay ku noqdeen Xuuthiyiinta waxaa mas’uuliyadooda sheegtay Mujaahidiinta Alqaacidda ee wamada Jaziiratul Carab.

Calamada.com

Comments are closed.