Inka Badan 150 Ruux Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Qaraxyo Ka Dhacay Dimishiq.

dimishiq2155Wararka ka imaanaya Suuriya ayaa sheegaya in laba qarax lala helay xaafadda ammaankeeda sida aadka ah loo ilaaliyo ee Sayidda Zaynabah halkaasi oo kooxaha shiicada Iiraan ay si buuxda gacanta ugu hayaan.

Telefeshinka ku hadla Afka xukuumadda Suuriya ayaa sheegay in 45 qof ay ku dhinteen laba qarax oo lala helay agagaarka qabri ay shiicadu caabudaan halka dhaawacyadu ay gaarayaan 110 qof.

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Islaamiga ah ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka,wakaaladda Acmaaq ayaa sheegtay in labada qarax ay mujaahidiintu mas’uul ka ahaayeen.

Guddiga xuquuqul insaanka kacdoonka Suuriya ee fadhigiisu yahay magaalada London ayaa sheegay in goobta weerarku ka dhacay ee Koonfurta Dimishiq ay ku xoogganyihiin guutooyinka shiicada Alfaadimiyuun iyo saraakiil katirsan kacaanka Iiraan.

Bishii Feberaayo sanaddii 2015 weerar ay Jabhadda Al Nusrah ka fulisay isla xaafadda Sayidda Zeynabah ayay ku shiday 9 qof shiica lubnaaniyiin ah.

Comments are closed.