Khasaara xoogan ayaa ciidanka Mareykanka kasoo gaaray weerar maanta ka dhacay gudaha wadanka Afghanistan oo ay ka socdaan dagaallo ay shacabka mulimka wadankaasi isaga caabinayaan shisheeyaha ku duulay.
Wararka ka imaanaya Afghanistan ayaa sheegaya in ladilay 11 Askari oo 7 kamid ah ay yihiin Mareykan halka kuwa kale ay yihiin ciidanka Xamiid Karzay iyo shisheeyaha kale ee Afghanisan ku duulay.
Bayaan kasoo baxay Ururka NATO ayaa lagu sheegay in diyuurad lagusoo riday Koonfurta wadankaasi khasaara lixaad leh ka dhashay balse waxay diideen in ay faah faahiyaan qaabka diyaaraddu uburburtay.
Imaarada Islaamiga Afghanistan weli wax war ah kamasoo saarin Askarta Amerikaanka ah ee lagu laayay Koonfurta wadankaasi.
Dhimashada ayaa ku badatay sufuufta ciidamada Mareykanka Jumcihii lasoo dhaafay camaliyad itish-haadi ah oo lagu qaaday saldhigga Mareykanka ee Qandahaar ayaa 10 Askari lagu dilay.
General Marti Benes waa taliyaha guud ee ciidanka Mareykanka wuxuu ka hadlayaa dhimashada ku badatay Isbahaysiga NATO ee Afghanistan “Howlgalka Afghanistan oo waqti dheer qaatay ayaa Xulufada ka dhanka ah Argagaxisada ku qasabaya in ay xoojiyaan awoodda dhanka sirdoonka ah maadaama ay Cadawgu joogteeyeen weerarada”ayuu yiri Generel Martin.
Isbahaysiga NATO oo uu Mareykanku ugu horreeyo ayaa dhawaan Iclaamiyay in sanadda 2014-ka Afghanistan laga saari doono dhamaan cadawga shisheeye.
Last Comments (Fikrado)