Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Xerada Maslax Ee Duleedka Xaafada Suuqa Xoolaha.

daarta qabyada maslaxDagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa caawa fiidkii waxa uu ka dhacay xero Maslax oo ku taala duleedka xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa.

Dagaalka ayaa ah mid u dhaxeeya ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo askarta Kufaarta AMISOM ee fariisinka ku leh xeradaasi.

Dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho iyo duleedka magaalada.

Dadka ku dhaqan nawaaxiga xerada ayaa sheegay in ciidamada Mujaahidiinta xerada ay ku weerareen hubka culus iyo midka fudud sida garneelada garbaha laga tuuro’iyadoona sidoo kale ciidamada AMISOM dhankooda ay adeegsadeen rasaasta ka dhacda Taangiga oo ay ku garaaceen qeybo ka mid ah duleedka xeradaasi.

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli habeenkii xalay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin camaliyaad Istish-haadi ah iyo weerar xoog ku gal ah ay ku qaadeen hoteel SYL oo ku yaala agagaarka xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.