Madaafiic Lagu Garaacay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.

kismaayo eleboorkaggWararka ka imaanaya degmada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose ayaa sheegaya in habeenkii xalay tiro madaafiic ah lagu garaacay garoonka diyaaradaha Kismaayo oo fariisin u ah ciidamada Nasaarada Kenya.

Dhawaaqa madaafiicda lagu garaacay garoonka diyaaradaha ayaa si aad ah looga maqlayay qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha magaalada Kismaayo iyo qeybo ka mid ah duleedka magaaladaasi.

Idaacada Islaamiga Andalus ayaa baahisay in tiro madaafiic ah gudaha u galeen garoonka diyaaradaha islamarkaana ay geysteen khasaara kala duwan’iyadoona sidoo kale muddo saacad ku dhaw ciidamada Kenya ay madaafiic jawaab celin ah ku garaacayeen duleedka magaaladaasi.

Sidoo kale rasaas ayaa xalay laga maqlay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Kismaayo’iyadoona ilaa iyo imika si rasmi ah aan loo xaqiijin waxey aheed rasaasta iyo cida isweydaarsatay.

Calamada.com

Comments are closed.