Askar Ka Tirsan Dowlada Federaalka Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Gobalka Bakool.

maleeshiyaatka dowlada Ridada Somalia54Wararka laga helayo gobalka Bakool ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weerar dhabba gal ah loo dhigay kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka oo ku socdaalayay duleedka degmada Tiyeeglow ee gobalka Bakool.

Weerarkan kamiinka ah ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaaba Wasiila oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Tiyeeglow’waxeyna maleeshiyaatka dowlada ee la weeraray doonayeen iney dhac ka geystaan deegaanka kamiinka loogu dhigay.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi lagu dilay  hal askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada kaasi oo la xaqiijiyay in ciidamada Mujaahidiinta ka furteen qori iyo booshkiisa oo uu watay askariga la dilay.

Idaacada ayaa intaasi ku dartay in sidoo kale weerarka dhabba galka ah lagu dhaawacay afar kale oo ka tirsan dowlada ridada federaalka’waxaana askarta la dhaawacay ku jira taliyihii maleeshiyaatka doonayay iney dhaca ka geystaan deegaanka hoostaga degmada Tiyeeglow.

Dhanka kale weerar dhabba gal ah ayaa loo dhigay kolanyo ka tirsan askarta Kufaarta AMISOM oo kasoo baxay deegaanka Shalambood kuna sii jeeday deegaanka Numbar 60 oo ka wada tirsan gobalka Shabeelada hoose’lamana xaqiijin khasaaraha ka dhashay kamiinkaasi.

Calamada.com

Comments are closed.