Dad Shacab Ah Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Madaafiicda AMISOM.

amisom saldhigIyadoo habeenkii xalay ciidamada Kufaarta Amisom ee ku sugan xerada Maslax ee ku taala duleedka xaafada Suuqa xoolaha tiro madaafiic ah ku garaaceen qeybo ka mid ah degmada Hilwaa ayaa waxaa sii kordhaya khasaaraha dadka shacabka kasoo gaartay duqeyntaasi.

Inta la xaqiijiyay duqeynta ciidamada AMISOM waxaa ku geeriyooday hal ruux saddex kalane weey ku dhaawacmeen oo gabi ahaanta ah dad shacab ah’waxaana xaafada kufaarta ay madaafiicda ku garaaceen ka mid ah Jiliyaal iyo Ceel-xaraar oo ka mid ah laamaha ay ka koobantahay xaafada Suuqa Xoolaha.

Marka laga tago khasaaraha nafeet ee dadka shacabka kasoo gaartay madaafiicda shisheeyaha waxey sidoo kale madaafiicdaasi geysteen khasaara hantiyadeed kadib markii ay burburiyeen dhismayaal isugu jira guryo iyo gooba ganacsi oo ku yaala xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa.

Madaafiicdan ayaa jawaab celin u ahaa dagaal culus oo xalay ciidamada Mujaahidiinta ay ku qaadeen xerada Maslax’iyadoona warar hoose ay sheegayaan iney jiraan tiro askar ah oo dhimasho iyo dhaawaca shisheeyaha Afrikaanta ah kaga noqotay dagaalkaasi.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.