Qaraxyo Culus Oo Ka Dhacay Magaalada Baydhabo.

baydhabo khariidadWararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in goordhaw qaraxyo culus ay ka dhaceen gudaha magaalada’iyadoona dhawaaqa qaraxyada si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada iyo duleedkeeda.

Si rasmi ah looma xaqiijin karo noocyada qaraxyada iyo cida lala beegsaday’waxaana gabi ahaan hakad galay dhaqdhaqaaqii dadka’gaadiidka iyo ganacsiga ee magaalada Baydhabo.

Rasaas culus ayaa laga maqlayaa magaalada’iyadoona ilaa iyo imika si rasmi ah aan loo xaqiijin karin goobaha sida gaarka ah qaraxyada ay kaga dhaceen.

Lasoco Waxii Kusoo Kordha.

Calamada.com

Comments are closed.