Saraakiil Ka Tirsan Maamulka Konfur Galbeed Oo Lagu Dilay Qaraxyada Baydhabo.

Bartamaha-Baydhabo2Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo culus oo galinkii dambe ee maanta ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobalka Baay.

Dhimashada qaraxyada ayaa kor u dhaaftay 30 ruux oo isugu jira saraakiil iyo maleeshiyaatka maamulka Konfur Galbeed gaar ahaan kuwa ah ilaalada gaarka ah ee xarunta madaxtooyada maamulkaasi.

Sidoo kale xubnaha lagu dilay qaraxyadaasi waxaa ku jira waziir ku xigeenkii hub ka dhigista maamulka Shariif Sakiin’waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaa ka badan.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamao ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay fuliyeen qaraxyada maanta ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo’waxeyna Idaacadu intaasi raacisay in Mujaahidiinta ay beegsadeen gooba ay isugu imaan jireen saraakiil’maleeshiyaat iyo xubno fara badan oo ka tirsan maamulka gaala raaca Shariif Sakiin.

Andalus ayaa intaasi ku dartay in camaliyaatkaasi lagu dilay waziiro’waziir ku xigeeno iyo qaar ka mid ah odayaashii dhaqanka ee soo xulay xildhibaanada maamulka Konfur Galbeed ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo.

Sidoo kale qaraxyadan waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro dad shacab ah oo xiligii qaraxyada goobta ka agdhawaa’iyadoona dadka dhaawacmay la dhigay isbitaalka guud ee magaaladaasi.

Calamada.com

Comments are closed.