Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Degmada Qoryooley Ee Gobalka Shabeelada Hoose.

Mujaahidiinta dagaal leegoDagaallada ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Mujaahidiintu  weeraro xooggan ku qaadeen saldhigyada maleeshiyaadka DF-ka iyo AMISOM ku leeyihiin gudaha degmadaasi iyo hareeraheeda.

Wariye ku sugan Sh/Hoose ayaa soo sheegay in dagaallada oo muddo saacada ah socday ay markii dambe kusoo biya shubteen saldhigga AMISOM ee agagaarka Buundada.
Xoogaga Al Shabaab ayaa xalay saacaddu markii ay ku beegneed 1:00 habeenimo si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaalada Qoryooley balse saaka aroortii ayay dib uga gurteen.

 Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamada shisheeyaha AMISOM ay madaafiic ku garaaceen dhulka biiralayda ah ee kaabiga ku haya Qoryooleey.

Comments are closed.