Maleeshiyaatka Dowlada Oo Labo Ruux Ku Dilay Suuqa Bakaaraha.

muuqaalka-wadada-labaad-ee-suuqa-bakaaraha-515x292Saacadihii lasoo dhaafay waxey maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka gudaha suuqa Bakaaraha ku toogteen labo ruux oo rag ah’iyadoona warar kala duwan ay kasoo baxayaan dilka labadaan ruux.

Labada ruux ay dileen maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ayaa la socday Moota’iyadoona saraakiil ka tirsan dowlada oo la hadlay warbaahinta ay sheegeen in labadaasi ruux ay ahaayeen dad burcad ah oo dhac ka geysanayay gudaha Suuqa.

Qaar ka mid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa iyaguna dhankooda beeniyay in labada ruux ee maleeshiyaatka dowlada ay dileen ay ahaayeen burcad dhac ka geysanayay gudaha Suuqa’balse ilaa iyo imika si rasmi ah looma xaqiijin waxa ay ahaayeen labadan ruux ee saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaatka dowlada ay ku dileen gudaha suuqa Bakaaraha.

Maleeshiyaatka dowlada federaalka ayaa dhac joogta ah ka geysta suuqa Bakaaraha’iyagoona dhowr jeer dad shacab ah ku dilay gudaha suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn dalka Somalia.

Muuse Malaay.

Calamada Online.

Muqdisho Somalia.

Comments are closed.