Dhageyso Magacyada Qaar Ka Mid Ah Saraakiishii Lagu Dilay Qaraxyada Baydhabo.

BaydhaboWaxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii xooganaya ee maalintii shalay ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay’iyadoona ay soo baxayaan saraakiil sar sare oo maamulka Konfur Galbeed iyo dowlada Itoobiya looga dilay weerarkaasi.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in camaliyaatkaasi dadka lagu dilay ay ku jiraan waziir ka tirsanaay maamulka Shariif Sakiin’saraakiil Somali ah oo dowlada Itoobiya u shaqeynayay iyo qaar ka mid ah odayaashii soo xulay xildhibaanada maamulkaasi.

Xubnaha lagu dilay weerarka waxaa ku jira Xasan Ibraahim oo waziir ku xigeen ka ahaa maamulka gaala raaca Shariif Sakiin iyo sarkaal ka tirsanaay sirdoonka dowlada Xabashida Itoobiya kaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdi Rizaaq Faarax Lagan.

Sidoo kale waxaa weeraradaasi lagu dilay shan ka mid ah odayaashii soo dhisay maamulka Shariif Sakiin’waxaana sidoo kale xubnaha dhaawacmay ku jira saddex xildhibaan oo ka tirsan maamulka Konfur Galbeed.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa intaasi ku dartay in xubnaha ku dhintay weerarka ay u badanyihiin askar oo ay ku jiraan ilaalada gaarka ah ee Shariif Sakiin.

Halkan Ka Dhageyso Faahfaahinta Weerarka Baydhabo.

Calamada.com

Comments are closed.