Dhageyso Daahir Kudhuu Oo Lagu Dilay Weerarkii Hoteel SYL.

qaraxa madaxtooyadaWaxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay weerarkii saddex habeen ka hor Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen hoteel SYL oo ah hoteel ku yaala agagaarka xarunta madaxtooyada dowlada Ridada federaalka.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in saraakiisha weerarkaasi lagu dilay uu ku jira madaxii dhanka howlgalada raafka ee magaalada Muqdisho ugu magacownaay maleeshiyaatka Alpha Group ee qeybta ka ah sirdoonka dowlada federaalka kaasi oo lagu magacaabi jiray Daahir Kudhuu.

Ehelada Col; Daahir Cabdi Axmed Fuusto oo ku magac dheeraa (Kudhuu) ayaa xaqiijiyay in sarkaalkaasi uu ku dhintay weerarkii hoteel SYL kadib markii jirkiisa inta badan ay gudaha u galeen firiro aad u fara badan.

Ehelada ayaa intaasi ku daray in dowlada federaalka ay ka qarisay geerida wiilkooda balse markii dambe ay ogaadeen inuu ku dhintay weerarkii Hoteel SYL.

Col.Daahir Kudhuu ayaa Afar sano ka hor ka goostay xarakada Al Shabaab wuxuuna  tababarro dhanka jaajuusnimada ah kusoo qaatay xerada Xalane iyo wadanka Uganda wuxuuna sanadadii dambe ku lug lahaa howlgallada raafka ah isagoo wada shaqeyn dhow lalahaa Khaliif Ereg Taliyihii ammaanka gobolka Banaadir.

Halkan Ka Dhageyso Dilka Daahir Kudhuu.

Calamada.com

Comments are closed.