Ciidamada Xarakada Alshabaab Oo La Wareegay Gacan Ku Heynta Xerada Laanta Buuro.

mujaahidiinta 544555Wararka ka imaanaya deegaanka Laanta Buuro ee gobalka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in gabi ahaan deegaankaasi isaga carareen maleeshiyaatka dowlada federaalka oo muddo sanado ah ku sugnaay halkaasi.

Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa la wareegay gacan ku heynta xerada sida ay baahisay Idaacada Islaamiga ah ee Andalus.

Dadka deegaanka ayaa dhankooda xaqiijiyay in ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin dagaal la’aan kula wareegeen islamarkaana ay arkeen maleeshiyaatka dowlada oo wata 7 gaari noocyada dagaalka ah oo isaga sii baxaya deegaankaasi.

Xerada Laanta Buuro ayaa ah xero aad u weyn’iyadoona si joogta ah halkaasi loogu tababari jiray askarta dowlada ridada federaalka.

Lasoco Waxii Kusoo Kordha.

Calamada.com

Comments are closed.