Ciidamada Shisheeye ee xoogga ku jooga magaalada Muqdisho ayaa lawareegay gacan ku heynta Idaacadda Shabelle oo kamid ah warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho.
Cutubyo ka tirsan ciidanka AMISOM ay gudaha u galay dhismaha Idaacadda waxayna amar ku bixiyeen in in Idaacadda la damiyo, qaar katirsan shaqaalaha Shabelle ayaa la xiray halka kuwa kalena lala aaday dhanka xarumaha AMISOM ku leedahay Muqdisho.
Maanta barqadii ayay maleeshiyaadka ilaalada ka ah Idaacadda Shabelle waxay rasaas ku fureen goob raashin loogu qeybinayay Barakacayaal waxaana halkaasi ku dhintay Sedax qof oo mid ka mid ah ay ahayd haweeney.
Markii falkaasi dhacay ayay goobta soo gaareen ciidanka Afrikaanta iyo maleeshiyaadka DKMG ah ee PS-ta loo yaqaan, qofkii Xasuuqa geystay oo katirsanaay maleeshiyaadka shabelle waardiyeeya ayaa xaafadda Buula Xuubeey ubaxsaday mana jirto cid soo qabatay.
Gaadiidka dagaalka ciidanka shisheeye ayaa hareereyay xarunta Idaacadda illaa iyo hadda wax wariyaal ah oo AMISOM Shabelle ka dishay lamasoo sheegin.
Barqanimadii maanta ayay ahey markii ay ilaalada maleeshiyaadka Shabelle dad shacab ah laayeen, Shabelle ayaa kamid ah warbaahinta qeybta ka ah dhibaatada Muqdisho ka taagan wariyaal dhowr ah ayaa shabelle horay looga dilay kadib markii uu Cabdi Maaliki geliyay siyaasadda ka dhan ah dhinacyada hubaysan taasi oo keentay in wariyaasha shabelle bartilmaameed naqdaan.
asc wr wb
gaal kii ehel ka dhigto silacaan ba u dambeyn mar walba.munafiqiintii shabele habaarka shacabka la dulmiyay baa idin haysta ka towbad keena.
um-zuheib
August 17, 2012 at 5:42 pm
masha allah wa farxad wayn ina idaacada kowaad ee rida sida la yelo shabeele wa ka horaysa idaacada radio muqdisho dhan cadawada islaamka allah ka qabto muslimka
abu dalxa
August 17, 2012 at 11:20 pm