Dagaaladani ayaa xalay siyaaba kala duwan kaga dhacay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye halkaasi oo ay fariisimiyaal ku lahaayeen maleeshiyaadka TFg-da iyo ciidamada Shisheeye.
Dagaalka ugu xooganaa oo mudda qaatay ayaa Ciidamada xarakada mujaahidiinta al Shabaab ku qaadeen degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho iyadoo dagaalkaasi Qayba badan oo kamid ah muqdisho iyo duleedka si aad looga maqlayay.
Mujahidiinta ayaa dhowr gobood ka soo weeraray Ceelasha biyaha waxaana mar kaliya la maqlay rasaasta culus iyo mida fudud oo ka dhacay difaacyo dhowr ah kaga sugnaayeen Ceelasha biyaha maleeshiyaadka TFG-da.
Ka dib mudda dagaalka uu socday ayaa ciidamada mujaahidiinta waxaa ay la weareegeen qayba badan oo ka mid ah goobihii maleeshiyaadka ku sugnaayeen iyagoona u baxsaday xarumaha ciidamada Shisheeye ku lahaayeen degaanka Calamada.
In ka badan shan askari oo ka tirsan maleeshiyaadka ayaa ku dhintay dagaalkaasi iyadoo Lix kale ku dhawacmeen waxaana wararku ay sheegayaan in sedax ka mid ah dhawacooda halis yihiin.
waxaa sidoo kale jiray qaar kamid ah gadiidka dagaalka maleeshiyaadka oo mujaahidiinta dagaalkaasi ku gubeen gaar ahaan gaari nuuca Cabdi billa ah uu gubtay ka dib markii qoryaha culus ay haleleen Mujaahidiinta.
sidoo kale goobaha dagaalada ka dhaceen waxaa kamid ahaa degmada lafoole gaar ahaan xera Malesi oo ciidamada kufaarta Burundi fariisin ku lahaayeen.
intii dagaalka socday ayaa mujaahidiinta waxaa arken afar ka tirsan ciidamada kufaarta Burundi oo ku dhintay dagaalka ka dhacay xera Maleesia ee degmada Lafoole.
Dhanka kale ciidamada mujaahdiinta ayaa dagaal culus ku qaaday farisimayaal ciidamada Shisheeye ku lahayeen agagaarka degaanka Lambar 50 halkaasi oo gawaari dagaal iyo saldhigii ugu waynaa mujaahidiinta ku gubeen.
Saaka ayaa waxaa halkaasi soo gaaray gawaari fara badan oo isugu jira Ambalace iyo Gawaari dagaal kuwaa oo qaaday askartii ku dhimatay dagaalkii xalay ka dhacay degaanka Lamabar 50 ee wilaayada sh.hoose.
Last Comments (Fikrado)