Jamaacada Islaamiga Cabdalla Cazzaam Oo War Kasoo Saartay Xaaladaha Lubnaan iyo Suuriya.

Filed under: News |

Jamaacada Islaamiga Cabdalla Cazzaam ee dhulka Shaam ayaa war kasoo saartay dagaalka ay shiicada Lubnaan u caddeysteen dadka muslimiinta Ahlusunaha wadankaasi.

Amiirka Jamaacada Cabdalla Cazzaam Sheekh Maajid Max’med Al Maajid oo kalimad cod ah jeediyay ayaa sheegay in dhibaatada ay shiicado ku heyso muslimiinta sunigga dhulka shaam ay xoogeysatay taasina ay gaartay heer ay dagaal ku iclaamiyaan muslimiinta.

Jamaacada Cabdalla Cazaam ayaa ku eedeysay Dowladda shiicada Iiraan in ay gadaal ka riixayso qorshayaal ladoonayo in dagaal Ahli ah looga rido gudaha wadanka Lubnaan si looga mashquulo dagaalka ka dhan ah xukuumadda Bashaar Al-asad ee shiicada gacan saarka laleh.

“Shiicada Lubnaaney idhagaysta  toos ayaan idiina la khidaabayaa waxaan idinkula hadlayaa hadal cad si mid been sheega uusan idiinkugu war xumeyn”ayuu yiri Maajid Max’med Al Jaamid.

Mas’uulkan katirsan  mujaahidiinta Shaam ayaa si kulul ula hadlay Ururka Xizbullaah ee shiiciga ah kaasi oo kumanaan dagaalyahan u diray Suuriya si ay uga barbar dagaalamaaan nidaamka Bashaar Al-asad ee Calawiga ah.

Shiicada Lubnaan ku sugan waxay taageera xoogan  ka helaysaa Iiraan taasi oo keentay in daa’ifooyinka shiicada ay dagaal ku iclaamiyaan muslimiinta suniga ah ee ku dhaqan magaalada Daraabulis Waqooyiga Lubnaan.

Xarakada Amal iyo Xizbullaah ayaa ka dhaxmuuqda siyaasadda Lubnaan waxayna wadaan qorshayaal lagu dhibaateynayo muslimiinta Suuriya iyo Lubnaan, Kooxda Al-Baqdaadiyah ee xisbullaah taabacsan ayaa dhawaan xaafadda al-buqaac ee Daraabulis ka qafaalatay dad suniyiin ah iyadoona dhamaan muslimiinta sunniga ee kasoo jeeda Qatar iyo Sacuudiga ku amartay in ay Lubnaan isaga baxaan haddii kale la xasuuqi doono.

Calamada Online