Midowga Yurub Oo Lacagaha Mushaarka Ah Ka Jaranaya Ciidamada Burundi Ee Soomaaliya Ku sugan.

burundi askariWar rasmi ah oo kasoo baxay Ururka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in dowladaha ku bahoobay ururkaasi ay qorshaynayaan in lacagaha mushaaraadka ah ka jartaan ciidamada Burundi ee soomaaliya ku sugan.

Midowga Yurub wuxuu shaaciyay in 5000 oo katirsan melleteriga Burundi ee soomaaliya ku sugan ay wayn doonaan lacago malaayiin dollar ah oo bil walba ay mushaar u heli jireen.

Mas’uul u hadlay ururka EU ayaa wakaaladaha wararka reer galbeedka u sheegay in aysan sii wadi Karin taageerada ay siiyaan ciidanka Burundi ee soomaaliya ku duulay haddii xukuumadda Madaxweyne Peirre Nkurunziza ay sii wado diidmadeeda ku aaddan in ciidamo nabad ilaalineed la geeyo magaalada Bujumbura.

 Dowladda Burundi ayaa askari walba oo katirsan ciidamadeeda soomaaliya ku sugan bishii ka jarata $200 iyadoona askartu ay helaan lacag dhan 800 oo dollar bil walba.

Dowladda Mareykanka ayaa horay ugu dhawaaqday in ay jartay dhaqaalihii ay siin jirtay dowladda dhexe ee Burun tan iyo markii khalalaasaha siyaasadeed ay wadankaasi ka bilaawdeen islamarkaana madaxweynaha talada haya uu laayay siyaasiyiinta mucaaradsan.

Midowga Yurub ayaa isna joojiyay lacago malaayiin dollar ah oo bil walba ay siin jireen dowladda Burundi, calooshood u shaqeystayaasha ku sugan soomaaliya ayaa lacago malaayiin dollar ah ka qaatareer galbeedka oo ay wakiil uga yihiin dagaalka islaam ladirirka ah ee soomaaliya ka socda.

Bishii lasoo dhaafay ayay Midowga Yurub iclaamiyeen in 20$ la dhimay lacagihii mushaar ahaan loo siin jiray dhammaan ciidamada Afrikaanta ah ee soomaaliya kusoo duulay arrinkaasi oo durbadiiba saameeyay soo duulayaasha.

Comments are closed.