Diyaarad Dagaal Oo Dowlada Mareykanka Uga Soo Dhacday Konfurta Afghanistan.

front016a diyaaradDiyaarad dagaal oo nooceedu yahay F16 oo ay lahaayeen Ciidamada Meliteriga ee Dowladda Nasaarada ee Mareykanka ayaa kusoo dhacday meel ku dhow Garoonka diyaaradaha Bagaram ee Koonfurta dalka Afghanistan, kaas oo lagu tiriyo inuu yahay mid ka mid ah saldhigyada ugu waaweyn ee Ciidamada Saliibbiyiintu ay ku leeyihiin dalkaasi.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Mareykanka Gaalka lagu magacaabo Petter Cook waxa uu sheegay in Shilkaasi uu dhacay Sideeddii Fiidnimo ee habeenkii xalay, isagoona tilmaamay in duuliyihii diyaaraddaasi uu ku booday baarashuud waxyar ka hor inta aysan diyaaradda dhulka ku dhicin.

Sidoo kale Afhayeenku waxa uu xusay in Ciidamo ka tirsan Gaalada NATO oo aaggaas ka agdhawaa inay soo bad baadiyeen duuliyihii diyaaradda, laakiin illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Mujaahidiinta Daalibaan oo ay kaga hadlayaan sheegashada Mareykanka.

Soo dhicitaanka diyaaraddan waxay kusoo aadeysaa saacado uun kadib markii Mujaahidiinta Daalibaan ay weerar Sawaariikh ah ku asqeeyeen Saldhigga Bagaram ee xarunta u ah Kumanaan ka tirsan Ciidamada Gaalada Nato, sida lagu sheegay Qoraal lagu daabacay Barta Internetka ee Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan.

Comments are closed.