Qarax Gaari Looga Gubay Ciidamada Itoobiya.

Ethiopia itoobiya xabashidaWararka ka imaanaya degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weerar dhabba gal ah loo dhigay kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya oo afar maalin ka hor kasoo baxay degmada Dhuusamareeb kuwaasi oo ku sii jeeda dhanka Degmada Ceelbuur.

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in kamiinka qarax uu ku bilowday kaasi oo gabi ahaan burburiyay gaari nooca xamuulka ah oo sahay ay ku wateen ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya.

Qaraxa iyo kamiinka ayaa ka wada dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Ceel-lahelay iyo Ceel-qooxle oo ka wada tirsan deegaanada dhaca wadada isku xirta degmooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.

Kolanyadan qaraxa iyo kamiinka loo dhigay ayaa bilowgii todobaadkan kasoo baxay degmada Dhuusamareeb kuwaasi oo ku sii jeeda degmada Ceelbuur oo qiyaastii 105km u jirta degmada Dhuusamareeb.

Calamada.com

Comments are closed.