Dhageyso Sheekh Abuu Muscab Oo Laga Wareystay Howlgalo Ka Kala Dhacay Banaadir Iyo Galgaduud.

abuu-muscab-25Afayeenka ciidanka Mujaahidiinta Shaykh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo goordhow wareysi siiyey Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa ka warbixiyey dagaallo kala duwan oo xalay iyo maanta ka kala dhacay wilaayaadka Galgaduud iyo Banaadir, Isagoona sheegay in cadowga qasaare culus lagu gaarsiiyey dagaaladaasi.

Afayeenka ayaa ugu horeyn ka warbixiyey weeraro xiriir ah oo xaley ilaa maanta ay la kulmeen Kolonyada ciidamada Xabashida Itoobiya ee dhawaan ka soo ambabaxday degmada Dhuusamareeb si ay u gaaraan degmada Ceelbuur, wuxuuna sheegay in weeraradaas lagu gubay gaadiid dagaal.

Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarada ugu culus ay dhaceen maanta, islamarkaana cadowga laga gubay gaadiid, sidoo kalena laga dilay Askar dhowr ah.

Wuxuu si gaar ah u faafaahiyey goobihii ay ka kala dhaceen weerarada, qasaaraha lagu gaarsiiyey cadowga iyo halka hadda ay ku sugan yihiin ciidamadii ka soo ambabaxay degmada Dhuusamareeb ee ku wajahnaa Ceelbuur.

Afayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadaas ay muddo afar maalmood ah ku jiraan wadada isku xirta dhuusamareeb iyo Ceelbuur taas oo muujineysa tabardarada xabashida Itoobiya iyo geesinimada ciidamada mujaahidiinta ee hortaagan cadowgaasi.

Wuxuu geesiyada Islaamka ee ribaadhka kaga jira Galgaduud ku amaanay howsha adag ee ay hayaan iyo dagaalka ay ugu jiraan difaaca diintooda iyo dalkooda.

Dhanka kale, Shaykh Abuu Muscab wuxuu ka warbixiyey weeraro xaley ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu beegsaday saldhigyo kala duwan oo Murtadiintu ay ku leeyihiin gudaha magaalada.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Sheekh Abuu Muscab.

Calamada.com

Comments are closed.