Qarax Ka Dhagay Gaalkacyo Iyo Sarkaal Sare Oo Maamulka Puntland Looga Dilay.

Waqooyga GaalkacyoWarar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara badan dhaliyay oo maanta barqadii ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qaraxa oo ka dhacay agagaarka Hoteelka Unlaaye waxaa ku dhintay saraakiil sarsare oo katirsanaa maamulka Puntland ee uu madaxda ka yahay Cabdi Wali Gaas.

War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkii Gaalkacyo oo lagu dilay saraakiil muhiim u ahaa maamulka Puntland.

Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo la hadlay idaacadda Andalus ayaa sheegay in qaraxa ay la heleen saraakiil katirsanaa maamulka Puntland oo bartilmaameed u ahaa Mujaahidiinta.

 Saraakiisha ku dhintay qaraxa oo si aad ah loo doon doonayay waxaa kamid ah madaxii Maaliyadda maamulka Mudug ee dhanka Puntland Saciid Cali Yuusuf (Gaada-yare) islamarkaana ahaa isku xiraha guud ee Puntland iyo Itoobiya isagoo sirdoonka Itoobiya ugacan gelin jiray maxaabiista islamarkaana hub kasoo daabuli jiray gudaha Itoobiya.

Sidoo kale 5 askari oo kamid ahaa ilaalada Gaada-yare ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay qaraxa ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in shacabka Mudug ay ka hor leexisay Nin ay ku sheegtay ‘Murtad’ oo halis ku ahaa nolosha dadka muslimiinta ah.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dhanka maamulka Puntland oo ku aaddan weerarka ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo.

Comments are closed.